Breaking NewsHORSEEDSomali premier leagueSOOMAALIYASportsWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC oo ku Guuleysatay koobka Super Cup 2020 xili ay meel saartay Horseed

Naadiga Kubadda cagta ee Muqdisho City ayaa ku guuleysatay Koobka Super ka dalka 2020 kadib markii ciyaar xiiso lahayd 2-0 uga badiyeen dhigooda Horseed kulankaaa oo ka dhacay garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis gobolka banaadir.

Kulanka labada kooxood oo ahaa mid adag oo ay kooxuhu yeesheen xili ay dhowaan kasoo laaabteen tartamo dibadda ah, ayaa ku biloowdey weerar iyo weerar celis, waxaana daqiiqaddii 14-aad kooxda MCC hogaanka u dhiibay weeraryahankooda Lambarka 16-aad Qeybs,halkaa looguma simin afar daqiiqo kadib ayey markale sii dheereen hogaanka MCC waxaana gool qurux badan oo goolhayaha laga dulqaaday u saxixey lambarka 8-aad Xassan Santos waxaa lagu kala tegey qeybtaasi 2-0 oo MCC hogaanka ku heeysay.

Qeybtii labaad ayey kooxda Horseed sameeyeen isku day ay doonayeen iney kusoo celiyeen goolasha lagu lahaa waxayna sameeyeen dhowr fursadood oo mid birta ku dhacday, waxaana dhamaadkii kulanka kaarka Guduudka loo taagay oo ciyaarta laga saaray Daafac Horseed Maxamuud Cali daqiiqadii 92aad kaasi oo horey u qabay Kaarka Digniinta waxaana kulanka guud ahaan kusoo dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda MCC oo Horyaalkii iyo Super Cup isku darsatay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button